Maxkamada Sare ee Kenya Oo Garyaqaan Ahmednaasir kaMamnuucday Xarumaha Maxakamadda..

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Go’aan ay soo saartay Maxkamadda sare ee Dalka Kenya kuna shaacisay iney ka mamnuucday xirfada Garyaqaanimada Mr.Axmed-Naasir Cabdullaahi oo si joogta ah eedeymo ay ku tilmaamtay in uusan soo bandhigin cadaymo muujinaaya Eedeynta u jeediyay…

Maxkamaddu waxey sheegtay inuu (Garyaqaankaani) ku howlan yahay olole ka dhan ah 7-da Garsoore ee muddada dheer ka shaqaynaya Maxkamadda sare Dalka Kenya isagoo ku eedeeyay iney ku dhaqaaqeen falal la xiriira musuq ama wax isdabamarin.

Axmed-Naasir ayaa dhankiisa ka falceliyay go’aanka Maxkamadda Sare Kenya ka gaartay isaga oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horay looga baddelay Twitter ku sheegay in in taariikhda dalkaas uusan jirin qareen isaga lamid ah oo laba mamnuucay maxkamadda.

302260cookie-checkMaxkamada Sare ee Kenya Oo Garyaqaan Ahmednaasir kaMamnuucday Xarumaha Maxakamadda..