Maxaa Soo De-Dejiya Gabowga Maskaxda iyo Qaababka ugu Sahlan ee Looga Hortagi karo..

Health Somalia news

Daraasado Caafimaad oo laga diyaariyay Gabowga iyo Isbedelka Jirka ee Qofka ayaa lagu xusay in sababo badan ay horseedaan, iyadoo inta badan ay sabab u tahay dhaqanada iyo Macaamilka Qofku ay gabowga soo dedejin karaan, sida oo kalana ay dib dhigi karaan, hadba wanaag iyo xumaan midka ay yahay…

Khubarada ku takhasusay arrimahaan Caafimaad ayaa daraasadooda ku xusay in Nooc Raashin, Tayada, iyo isu dheellitirnaanteeda nafaqo, iyo sida oo kale sunta ama wasakhda Hawada iyo Degaanka aynnu ku noolnahay, ayaa iyaguna saamayn ku leh caafimaad qabka iyo habsami u shaqaynta maskaxdeenna, sida fariidnimada iyo maahsanaanta, murugada iyo farxadda, hal-abuurka iyo fadhiidnimada, iyo Soo jeedka badan ee habeenkii iyo iwm.

Khabiiradaan ayaa sheegay in Maskaxdu ay u nugushay dhaqdhaqaaqa ama lullanka lama filaanka ah ee madaxa ku dhaca, sidaas awgeed dhaawacyo ka dhasha waxyaabo aynu u haysanno in ay fudud yihiin ayaa khatar aynaan dareemin ku keeni kara maskaxda, waxaa ka mid ah kubadda ama shey adag oo aynu madaxa ku dhufano.

Dhibaatooyinka soo De-dejisa Gabowga

-Noocyada Maandooriyayaasha iyo Isticmaalka Joogtada ah ayaa isaguna maskaxda dhaawaca weyn u geysta.

-Caafimad darrada Cudurada Maskaxda ku Dhaca sida Dhiigkarka ayaa isaguna maskaxda ku soo dedejiya gabowga, shaqadeedana dhaawaca, mar kasta oo uu dhiiggu kaco waxaa hoos u dhaca dhiigga maskaxda gaaraya, Taasoo khatar ku ah shaqada maskaxda iyo nolosheeda oo dhanba, Macaanka ayaa isaguna la mid ah.

-Waxaa kaloo oo maskaxda dhaawaca & dhibaato ku ah miisaanka dheeraadka ah ee Qofka saaran, mar kasta oo uu miisaan kugu kordho waxaa yaraada xajmiga maskaxda, waxaana hoos u dhacaya awoodda shaqadeeda.

Maxaa xal iyo caafimaad u noqon kara maskaxda

– Fur-furnaanta Qofka ama Bulshaawinimada iyo in aad hawlaha bulsho qayb ka noqoto, dad kala duwanna ku xirnaato waxa ay ka mid tahay waxyaabaha cimri dhererka keena.

– Cuntooyinka caafimaadka u fiican isticmaalkooda iyo in aad ka dheeraato kuwa sunta ku ah ayaa iyaduna muhiim u ah caafimaadka maskaxda. (Cuntadu waa cudur ama caafimaad, waxba uma dhexeeyaan).

– Hurdadu waa lama huraan, marka caafimaadka maskaxda laga talinayo. 7 saac wax ka yar oo aad seexato habeenkii, waxa ay sababtaa in dhiigga maskaxda gaadhayaa uu ka yaraado inta ay u baahantahay. Dhinaca kalana mar kasta oo ay hurdadaadu yaraato waxaa kordhaya miisaankaaga, taasina waa khatar kale oo maskaxda dilaysa.

285010cookie-checkMaxaa Soo De-Dejiya Gabowga Maskaxda iyo Qaababka ugu Sahlan ee Looga Hortagi karo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com