Mugdiga Ku Gedaaman Shirkada Sahayda Iyo Saadka Ee Amisom

Somalia news

Warbixino hordhaca ah oo laga helay ilo xogogaalo ah ayaa muujinaaya in Wasiirka 1-aad iyo Wasiirka Amniga ay ku lug leeyihiin Shirkado Shidaalka iyo sahayda gaarsiiya Ciidamada Amisom ee Ka Howlgala Degmooyinka iyo Gobolada Dalka, Gaar ahaan Shabeelooyinka, Bay Iyo Bakool….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u tilmaamtay in Shirkada ECO Feul FZE oo fadhigeedu yahay Dalka Swiss-ka ayaa Qandaraas ku qaadatay iney Somalia Soo gaarsiiso Shidaalka Gaadiidka Ciidamada iyo Xafiisyada UN-ka ee Somalia, Madaxda Shirkadaan ayaa waxey Sab-Contract ku siiyeen Gaarsiinta Shidaalka iyo agabyada muhiimka ee Ciidamada Shirkadda magaceedu yahay Nationwide Enterprise Gruop, ay wada leeyihiin Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka iyo Wasiirka Amniga Mr.Islow.

Shirkadda Nationwide markii ay ku fulin waayeen iney gaarsiiyaan Shidaalka iyo Sahayda Ciidamada Amisom, waxey qandaraas ku siiyeen Gaadiidleyda Booyadaga Shidaalka iney qaadaan Shidaalka, kuwaasoo khasaare balaaran ka soo gaaray, iyadoo laga gubay Tiro Gaadiid ah, wadayaal badan laga Dilay, waxaana u dambeeyay Wadihii Shalay lagu dilay Duleedka Magaalada Balcad.

Waxaana cabasho xoogan ay ka soo baxaayaan Ganacsatada iska leh Gaadiidka la gubay, iyadoo labada Shirkadood ay mag-dhow ka qaata Xafiisyada UN-ka, isla markaasna diiday iney bixiyaan Dhaqaalihii Gadiidkii la gubay iyo Magtii Wadayaasha la dilay.

46530cookie-checkMugdiga Ku Gedaaman Shirkada Sahayda Iyo Saadka Ee Amisom