Ma Dhabaa in Khilaaf Xoogan uu u Dhaxeeyo Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha Dhakhliga..

Somalia news

Waxaa markii labaad dib u soo laba kacleeyay khilaaf xoogan oo u dhaxeeyo Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha guud ee Dakhliga oo Xafiiska Madaxweynaha xiriirka la leh, khikaafka ayaa salka ku haya Magacaabosta 3-Madax qeybeed oo ka tirsan Agaasinka Waaxda Canshuuraha Beriga ee Wasaarada Maaliyada..

Xogtaan ayaa Xaqiijisay in Agaasimaha Dakhliyada ee Wasaaradda Maaliyada, Faysal Maxamed Xaashi uu si latashi la’aan ah u magacaabay 3-Madax Qeybeed oo katirsan waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaarada Maaliyada, talaabadaan oo dhalisay dood u dhaxaysa Wasiirka Maaliyada Biixi Iman iyo Agaasimaha Dakhliyada ee magacaabida sameeyey.


Labadaba dhinacna waxay ku doodayaan iney qolo kasta gaarkeeda iyadu awooda magacaabistan u leedahay, taasoo is muran iyo isqabqabsiga uu hakad geliyay Howlihii Xafiiska, Is faham-waa horey u dhexmaray Agaasimahan iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada ayaa sababay in xilka qaadis lagu sameeyo Dr Cilmi Nuur, kadib shaqo joojin kusameeyey Agaasimahan, Waxaana soo fara geliyay Madaxweynaha oo culeys ku saaray inuu ka laabtay shaqo ka joojinta lagu sameeyay Agaasimaha, inkastoo ugu dambeyn laga ceyriyey shaqadii Wasiirkii Maaliyada.

Hadda waxey u muuqataa in Khikaafkaan uu mar kale sababo karo inuu Madaxweynaha uu soo fara geliyo isla markaasna la safto Agaasimaha, iyadoo Dalkaan ay joogto ka noqotay in Madaxtooyada ay taageerayaasheeda ka awood bataan Wasiirka ay hoos tagaan Bsl Adba!!.

276070cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf Xoogan uu u Dhaxeeyo Wasiirka Maaliyada iyo Agaasimaha Dhakhliga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com