Mucaaradka Somaliland oo ku Hanjabay Dibadbaxyada Kale

Somalia news

Inkastoo Xaalada guud ee Degaanada Somaliland Saakay ay degan tahay, Xisbiyada Is-garabsanaya WADANI & UCID ee ka soo horjeeda Maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa ku goodiyay iney sii wadayaan dibadbaxayda ilaa inta laga saldhigayo Doorashada ku waqtiyeysan 13ka November 2022…

Shalay ayaa la sheegay in Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Boorame iyo Sheekh ayaa waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata, waxaan ku geeriyooday ilaa 5 Qof oo rayid ah oo 3-ka mid ahi ay Boliisku ku dileen magaalada Hargeysa halka mid kale uu ku geeriyooday magaalada Ceerigaabo iyo mid ku dhintay magaalada Burco, iyadoo Dadka ku dhaawacmay ay ku dhow yihiin Boqolaal, inkastoo 60% ay yihiin Xoogaga Amaanka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wada dedaallo ay ku baajinayaan rabshado markale ka dhaca Deegaannada Somaliland, Safiirka Mareykanka ee Somalia & Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay rabshadahaan iyaga oo soo jeediyay in wax weliba wadahadal lagu dhammeeyo.

Dhanka Kale waxaa saakay xiraan Wadooyinka magaalooyinka ay ka dhaceen dibadbaxyada, iyadoo Ciidamo aad u tiro badan la soo dhoobay wadooyinka Magaalooyinka, waxaa Maamulka u jaray adeegyadii Isgaarsiinta, Internet-yadii iyo Talefoonadii gudaha ee Gobolada Waqooyiga.

207130cookie-checkMucaaradka Somaliland oo ku Hanjabay Dibadbaxyada Kale
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com