Madaxtooyada & Xafiiska Wasiirka 1-aad Wada tashi ka leh Isbedelka Golaha Wasiirada & Agaasimayasha Guud..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in dhawaan la filayaa in isku shaandheyn lagu sameyn doono Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka, 3-Wasaaradood oo banaan la buuxin doono, iyadoo sidoo kale wax ka bedel lagu saameyn Doono Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha..

Wararka ayaa sheegaya in isku shaandheyntaan ay noqon doonto mid balaaran oo xitaa saameyn doonto Hey’adda Socdaalka, Xoghayaha Guud ee Xafiiska Wasiirka 1-aad, Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xubin ka soo jeeda Puntland (Gobolka Bari) loo wado inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibeda.

Sidoo kale Waxaa isbedel lagu sameyn doonaa Agaasimayaasha Guud ee Wasararadaha hoos ku xusan:-

-Wasaaradda Degaanka iyo isbedelka Cimilada
-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
-Wasaaradda Qorsheynta
-Wasaaradda Sportiga
-Wasaaradda Beeraha
-Wasaaradda Kalumeysiga
-Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha
-Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta
-Agaadimaha Hay’adda Socdaalka
-Xoghayaha Joogtada Xafiiska Wasiirka 1-aad
-Wasaaradda Howlaha Guud
-Wasaaradda Arimaha Debada
-Wasaaradda Gaashandhiga

302850cookie-checkMadaxtooyada & Xafiiska Wasiirka 1-aad Wada tashi ka leh Isbedelka Golaha Wasiirada & Agaasimayasha Guud..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com