Madaxweynaha Somalia oo lagu wado inuu Booqdo Dalka Uganda

Africa News Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa safar shaqo uu Madaxweynaha Somalia ku tagi doono Dalka Uganda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee sanadkan, Safarkaan ayaa ku wehlin doono Saraakiil ka tirsan Dowladda iyo Ganacsato, iyagoo kaga qeyb geli doon Shir-madaxeedka Maalgashiga kaasoo socon doona 9-10 bishaan…

Shirkaan ayaa hal-ku-dhig looga dhigay horumarinta iskaashiga Uganda iyo Somalia ee dhinacyada Maalgashiga iyo Dalxiiska, waxay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda in Shir-madaxeedkani uu siin doono madal ay ku midaysan yihiin ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qaybaha kale ee ay khusayso, sida Wasaaradaha dawladda si ay si xor ah isu dhaafsadaan fikrado ku saabsan ganacsiga.

Warbixinada ayaa tilmaamaya in sanadkii 2020, Uganda ay Somalia u dhoofisay badeecooyin qiimahoodu dhan yahay $676,000 halka Somalia ay u dhoofisay Uganda badeecooyin qiimahoodu dhan yahay $75,700.

206030cookie-checkMadaxweynaha Somalia oo lagu wado inuu Booqdo Dalka Uganda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com