Nidaamka 4,5 & Khaladka Siyaasiyiintu ka Fahamtay Sad-bursiga Xilalka Dowladda..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Qalad guud uu ka jira hanaanka shaqaleynta Hay’adaha Dowliga oo balmarsan Nidaamka 4.5 ee lagu heshiiyay, Waxey aheyd in 4.5 ku dhisnado Shaqo bixinta Xafiisyda Dowladda oo dhan sida xarunta Madaxtoyada, Xulashada La-taliyasha M/weynaha iyo PM, Ergooyinka, Gudiyada, Xilalka kala duwan ee Wasaradaha, Masmulka Garoomada Diyaaradaha, Dekedaha, Talisyada Ciidamada & iwm…

Xiligaan Siyaasadu Munaafaqnimo ma ahan Wasiirka warbixinta siinaayay Guddiyada Baarlamaanka wax been ah kama sheegin hanaanka shaqo qorista, Muddo 18-sano ayaa Dalkaan Cadaalad darada ka jirtay, waxaa u baahan in dib loogu noqdo Ndaamka xukunka reero gaar ahna ay Dowladnimada iska dhigaan iney iyagu leeyihiin halka kuwo kalena maalin walba la dulmiyo.!

Dadka Warka Wasiirka ka xun, misane indhah qarsanaaya in Gabadha Madaxweynaha uu u magacaabo (Adviser) La-taliye shaqooyinkii sare sare ee dalka ku tixa qaraabadiisa ayaa xiligaan in la saxo dhibaatada taagan una baahan xal, ku darsoo Dad badan ayaa aaminsan in haatanba ay jirto Qabyaaladu, waa runoo waa jirtaa balse is waydii maxaa laga faa’iiday oo aan ba’ iyo hoog, aano iyo eed ahayn.

Bal aan dul istaagno dhowr qodob oo aan saaxi ku imanaynin haddii noocaas loo dhaqmo:

–Siyaasi Beel metelaa horta ma jiro, Siyaasigu wuxuu wax u qabtaa Qoyskiisa gaarka ah sida Carruurtiisa, Xaaskiisa IWM, wixii soo dhaafaa waa wixii uu xil ahaan uga xishoonayo iyo asxaabta qaar, Marka iska iloow inuu siyaasi beel meel ugu maqan yahay.

-4.5 waa nidaam xulitaan ee ma aha nidaam howleed sidaa darteed marka aad xil Qaran ku tagto nidaamkaasi micnuhu ma aha inaad nidaamka ku shaqaynaysee waa inaad u wada adeegtaa dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed.

-Soomaalida aan Madaxweyne, Wasiir ama Shaqsi Xil hayaa laheyn Yaa u maqan?

-Maadaama Maamulka xiligaan dhisan uu beryahan Shacbiga la hortaagnaa fan-hadal ku saabsan inay la dagaallamayaan musuqa oo dad la xirey qaarna la cayrinayo, sidee uga iibsan karnaa inuu wasiir iyo Madaxwaynaha oo kasii horreeyey, ayna u muuqato in arrintan isaga laga qalin daartay, ay la bareeraan nin-tooxsi caadi ah oo qayaxan?

-Maxaaba loogu baahan yahay in la dhiso Dowlad Soomaaliyeed soow ma habboona inay beel kasta inta quraca tuuladeeda calal midabbo leh surato iyadu howsheeda qaybsato? Yacni waxaa halkaa ka baxaysa wax la yiraahdo Dowladda Somalia, Waxaa kale weli taagan Qabyaaladdii awalba Qaranka dumisey oo markan helaysa dhul cosob ah si qaabkii hore ka doqonsanna waa loogu dhaqmi doonaa.

267070cookie-checkNidaamka 4,5 & Khaladka Siyaasiyiintu ka Fahamtay Sad-bursiga Xilalka Dowladda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com