Khilaaf U Dhaxeeya Qor-qor iyo Senatoro

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Khaliif xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug Mr.Qorqor iyo qaar ka mid ah Senatorada ka soo jeeda Degaanka, kaasoo salka ku haya arrimo badan oo dhinacyadaan ay isku qabteen xalna laga gaari waayay….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Khilaaf muddo soo jiitamaayay una Dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug Mr.Qorqor iyo Senatarada kala ah Mr.Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid) Mr.Dhagey iyo Mr.Dhagdheer, waxaana la isku qabta Dhaqaale, Soo xulida Xubnaha maamulka Degmooyinka Ceel buur iyo Konfurta Gaalkacyo iyo Qodobo kale oo xiriira Doorashada dabayaaqada Sanadkaan ka dhaceysa degaanada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya isku dayo lagu xalinaayo xiisadaan ayaa fashil ku soo dhamaatay, iyadoo laga cabsi qabo in Khilaafkaan uu horseedi karo in degaanada Galmudug ka abuuro qalalaasi siyaasadeed, abaabul Mooshin iyo in burbur uu ku yimaado Maamulka Galmudug, hadii aan xal laga gaarin xalinta Xiisadaan u dhaxeeysa Dhinacyadaan.

58010cookie-checkKhilaaf U Dhaxeeya Qor-qor iyo Senatoro