Maamulka Gobolka Gedo Oo Qoraal Soo Saaray

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada B/Xaawo Ee Gobolka Gedo (Jubbaland) ayaa sheegaya in Kulan wada tashi ah oo muddo maalmo u socday Mas’uuliyiinta Gobolka iyo kuwa degmada laga soo saaray war murtiyeed Oo dhanka Amniga iyo Siyaasada…..

Kulankaan oo socday intii u dhaxeysay 26-30-kii Bishii Agugut 2020, ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo qaar ka mid ah kuwa degmooyinka, ayaa soo saaray Qodobada hoosta ku xusan:-

-Ineysan aqoonsaneyn Maamulka Uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe Ee Jubbaland 

-Iney Dhisanayaan Maamul u gooni ah oo ka madax banaan Jubbaland

-In Ciidamada Jubbaland Ee Ku sugan Degmada Mandheera (Kenya) ay isku soo dhiibaan Maamulka Gobolka Gedo.

Talaabadaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo uu maanta Magaalada Muqdishu uu soo gaari doono Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland kuwaasoo la filaayo iney kulamo la qaataan Mr.Farmaajo.

57950cookie-checkMaamulka Gobolka Gedo Oo Qoraal Soo Saaray