Ma Dhabaa in Maamulka Hargeysa uu Duulaan ku qaadaayo Magaalada Laas caanood

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Xoogaga Maamulka Hargeysa oo kaashanaaya tiro Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka ayaa qorsheynaaya iney weerar ku qaadeen Degmada Laas caanood ee Gobolka Sool si ay dib ugula wareegaan…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in kadib markii ay fashilmeen Wada hadalo hoose oo ay wadeen Horgalada Wakiilka uga Maamulka Muuse Biixi sidii gacantooda dib loogu soo celin lahaa degmada, ayaa la sheegay iney duulaankaan u adeegsan doono waxey ugu yeereen howlgalada dib u soo celinta Amarka iyo kala dambeynta kuna soo rogaan bandow muddo 120-maalmood ah.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Qorshaha 2-aad (Plan-B) ayaa ah in Dagaalo beeleedyo la dhex dhigo qaar ka mid ah Jufooyinka Beesha Dhulbahante ee Taageeraan Midnimada Qaranka Somalia, iyadoo qorshahaani la sheegay in oaga fuliyo Degaanada Gobolka Sool qeybo ka mid ah Gobolka Sanaag iyo Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Waxaana la hubeynayaa qaar ka mid ah Jufooyinka Beesha kuwaasoo dilal iyo afduuba lagu wado iney ka geystaan Degaanada Xuddun, Taleex iyo Degmada Laas caanood, Nasiib darro ilaa hadda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Dani ee Puntland ayaa baaqyo uu ku ekaada iney soo saaraan Xiisadaha ka taagan Degmada Laas caanood.

237940cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Hargeysa uu Duulaan ku qaadaayo Magaalada Laas caanood