Khilaaf Xoogan oo soo Kala Dhex Galay Garaad Guud iyo Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Garaad Guud ee Beesha Dhulbahante iyo Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mr.Firdhiye kaasoo salka ku haya Maamulka Degaanka iyo Saami qeybsiga Jufooyinka, iyadoo ilaa hadda lagu guuldareystay xalinta…

Wararka ayaa sheegaya in Khilaafkaani uu sii xoogeystay iyadoo laga cabsi qabo inuu isku bedelo gacan ka hadal u dhaxeeya labada Jufo ee ay ka kala soo jeedaan, kaasoo horseedi kara burbur ku yimaada Maamulka curdanka ah, iyadoo Garaad Jaamac uu saluugsan yahay hanaanka shaqo ee Hogaanka Maamulka SSC-Khaatumo (Mr.Firdhiye), xiisadaan ayaa curyaamisay Howlaha Maamulka & kan Degaanada hoos yimaada.

Wararka ayaa sheegay in Garaad Guud Garaad Jaamac oo haatan ku sugan magaalada Garoowe uu ka codsaday Mr.Deni iyo Odayaasha Dhaqanka iney soo dhex galaan xiisadani, ku darsoo Safar qorsheysnaa oo uu Mr.Deni ku tegi lahaa Magaalada Laas caanood ayaa markii 4-aad dib loo dhigay sababo la xiriira Khilaafka taagan.

Mr.Firdhiye ayaa Garaad guud ku eedeeyay in Xildhibaanada Beesha Dhulbahante uga wakiilka ah Maamulka Puntland u saxiixay, wuxuu sheegay inuu carqaladeyn ku hayo Maamulka SSC-Khaatimo, eedaan ayuu iska diiday Garaadka guud.

307220cookie-checkKhilaaf Xoogan oo soo Kala Dhex Galay Garaad Guud iyo Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo..