Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Suuqa weyn Ee Bakaaraha

Somalia news

Israsaaseyn muddo kooban socotay oo ku dhexmartay gudaha Suuqa weyn ee Bakaraaha ciidamo ka tirsan Boliiska iyo kooxo hubeysan oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka shacabka ah ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ganacsadaha lagu dilay israsaaseynta ay is weedaarsanayeen labada dhinac ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow oo ku magac dheeraa (Sandheere), kaasoo si weyn looga yaqaanay inta badan gobolada dalka Somalia, Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray dirirtaan.

Magaalada Mogadishu ayaa inta badan Waxaa ka dhaca Iska hor imaadyada noocaan oo kale ah ee dhexmara ciidamada dowladda iyo buracada hubeysan ama kuwa Kooxaha argagixisada, waxaana ku geeriyooda rasaasta ay isku adeegsadaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo aysan jirin cid loo raacdo.

147240cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacday Suuqa weyn Ee Bakaaraha