Qeylo Dhaan Ka Soo Yeereysay Dadkii ay Kooxda Argagixisada ka soo Barakiciyeen Guryahoodii

Somalia news

In ka badan 10,000 oo qoys oo xoolo-dhaqato ah ayaa ka barakacay Tuulooyinka Cadakibir, Dhuumoodle, Maarsamagge, Qalaanqal, Galxagagare iyo tuulooyin ku dhow ee hoostaga Cadaado markii laga burburiyay Ceelashii iyo Baraagihii ay dadku biyaha ku kaydsan jireen…

Wararka ayaa sheegay in Qoysaska barakacay ayaa tagay degaanada Dhaglul, Dhagaxdeer Kamasle iyo Ardo, Waxay degaanadan ku wajahayaan cunno yari iyo biyo la’aan aad u daran, Waxaa ka mid ah qoyska Sahro Aadan Maxamed oo haysata sagaal carruur agoon ah, Waxay seexdaan geedaha hoostooda.

Dadka soo barakacay waxay subax kasta dhex galaan dadkii horay degaanka u deganaa iyagoo u dan sheeganaya balse arrintaas ma awoodo Sahro oo waxaay naafo ka tahay lugta midig oo laga jaray xilli ay ka xanuunsatay, Waxay maalinle ula nooshahay feker ku aadan sidii ay carruurteeda oo kan ugu yar uu jiro hal sano ay ugu heli laheyd Raashin, iyadoo sheegtay inay hal wakhti dabka u saarto raashin aan laheyn wax koosaar ah.

Dhanka kale Barakacayaashaan ayaa sheegay in aysan jirin wax caawinaad ah oo Dowladda & Dadka ka soo gaartay dhanka Maamulka iyo Bulshada, Sidoo kale wuxuu sheegeen in Isgaarsiinta oo degaanada ay kooxda argagixisada Shabaabku ka jareen ay sii adkaysay in loo gurmado dadka dhibaataysan.

213180cookie-checkQeylo Dhaan Ka Soo Yeereysay Dadkii ay Kooxda Argagixisada ka soo Barakiciyeen Guryahoodii
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com