Khilaaf Xoogan oo soo kala dhex galay Muuse Biixi & Tani ee Somaliland

Somalia news

Warar hordhac ah oo laga helay magaalada Hargeysa ayaa sheegaya inuu cirka isku sii shareeray khilaaf u dhexeeyay Muuse Biixi iyo Nuux Ismaaciil Taani oo Madaxa Xoogaga Amanka Somaliland, xiisadan ayaa ka dhalatay sida loo maareynaayo xaalada Laascaanood…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Taani uu dhegaha ka fureystay tiro dhowr amar oo uu Muuse Biixi siiyay oo ku wejahnaa in la weeraro gudaha magaalada isla markaasna la soo qabto Garaadada iyo Hogaamiyayaasha Mucaaradka ku kulmaaya magaalada Laascaanood.

Muuse iyo Maxamed Kaahin oo isku dhan ah ayaa qaba in xaalada magaalada Laascaanood ee faraha ka baxday aan loo ogolaan in Garaadadu magaalada galaan iyo in dib loogu celiyo Xoogaga hubeysan gudaha Laascaanood, Halka Taani iyo Horgale sare Mahad Canbaashe oo iyana isku dhan ah ayaa ka dhago adeygay amarada labada Kornel ee dagaal doonka ah.

Ciidamada ku sugan gudaha magaalada Laascaanood ayaa isugu jira qaar ka goostay Xoogaga Canbaashe iyo qaar ka mid ah Xoogaga hubeysan ee SSC, Ciidamada Jiida hore ku sugan ee Somaliland oo fulinaya amarka Taani ayaa ooda ka soo rogay in Garaadada iyo Ciidamada la socda ay gaaraan magaalada Laascaanood.

Muuse ayaa xiisadani u arkay mid lidi ku ah qorshihiisa iyo amaradii uu duldhigay in Laascaanood lagu wajahaayo, Mr.Taani ayaa Muuse wejiga ka saaray in aaney jirin cid u diyaar ah fulinta amaradiisa guracan, isla markaana ay sababi karto in Hargeysa la isla soo galo oo dad badan oo kale oo careysani fursad u arkaan.

Waxgaradka iyo Odayaasha beesha Muuse oo uu hogaamiyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali ayaa iyana la saftay Mr.Taani isla markaana qorsheyaasha iyo amarada Muuse u arka mid iyaga ay dhici karto iney soo dedejiso burbur ku yimaada Nidaamka Gooni goosadka.

238870cookie-checkKhilaaf Xoogan oo soo kala dhex galay Muuse Biixi & Tani ee Somaliland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com