Qorsha Gudoomiyaha Doorashooyinka Dalka

Somalia news

Guddoonka Barlamaanka ayaa laga xigtay iney Barwo (Martiqaad) u direen Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Mrs.Xaliima Ismaaciil, iney hor timaado maalinta berito Oo sabti ah 27-Bishaan, si ay ugu sharaxdo Habka iyo dib u dhaca ku imaan kara doorshada la filaayo in Dalka laga qabto…

Xogtaan ayaa Diinah.com news la wadaagay, in 3-qorshe ay hor dhigi doonto Xildhibaanada Barlamaanka iney kala xushaan si dalka ay uga dhaco doorasho, isla markaasna ay kala doortaan Kuwa hoosta ku xusan:-

-In doorasho dadban oo la mid ah doorashadii dalka ka dhacday 2016, taasoo muddada ay u qoondeysay qabashadeeda ay tahay lix (6) bilood.

-Doorasho laga ballaarinayo middii 2016 (Enhance Election) taasoo la geynayo doorashooyinka magaalo madaxyada dalka taasoo lagu asteeyay 18 gobol ee dalka ka kooban yahay, waxaana Xildhibaanada dooranaya qabaa’ilka ay ku matalaan Baarlabaanka. (Waxay Guddiga u qorsheeyaan in loo baahan yahay muddo kororsi hal (1) Sano ah.

-In dalka ay ka dhacdo doorahso qof-iyo-cod ah taasoo ka dhici doontaa dhammaan deegaan doorashada ka madax bannaan meelaha ay heystaan kooxda Shabaab. (Waxay Guddiga u qorsheeyaan in loo baahan yahay muddo kororsi laba (2) Sano ah.

Waxaa weli aan la meel marin xeerarkii ka kabi lahaa doorashooyinka taasoo caqabad ku noqon doonta in Xaliimi Yarey ay hortimaado Golaha Barlamaanka, Sidoo kale waxaa Guddigaan lagu eedeeyay inuu ku dhex milmay Laanta Fulinta, waxaana looga soo minguuriyay Qoraaladeeda Xafiiska Madaxweynaha.

Maalinta Sabtida ah ayaa loo balansan yahay in cod loo qaado mooshinka matalaadda Banaadir, waxaana ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ay Diinah.com news u sheegeen in MW Farmajo uu ka biyo diidan yahay in Muqdisho ay hesho wax kabadan 7 xubnood oo matalaad ah.

44060cookie-checkQorsha Gudoomiyaha Doorashooyinka Dalka