Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay USA & Djibouti

Africa News

Kadib dagaalkii sanad jirsaday ee Ciidamada TDF & Kuwa Federaalka Ethiopia kana socda qeybo ka mid ah Waqooyiga Dalka kaasoo sababay dhimasho badan, Xasuuq, Barakicin iyo Macluul, ayaa la sheegay inuu Saameyn xoogan ku yeeshay Dalalka Deriska iyo Quwadaha Waa-weyn…

Wararka ayaa sheegay in Dowladaha Reer Galbeedka ay si toos ah ula safteen Jabhada TDF, halka Quwadaha China, Russia Iyo Dowladaha UEA, Turkey, Eritrea, Somalia Djibouti ay la safteen Maamulka Addis abeba, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Djibouti uu shaaca ka qaaday in “ Dhulkooda aan laga abaabuli doonin faragelin Ciidamo Ee Shisheeye dhanna ka ah Ethiopia”.

Dhawaaqa Djibouti ayaa soo shaac baxay kadib markii Sareeye (General) ka tirsan Ciidamada USA uu wareysi siiyay Mid ka mid ah Warbaahinta UK, isagoo walaac ka muujiyay saameynta iyo khatarta Dagaalka Waqooyiga Ethiopia ka socda uu ku yeelan karo Dalalka Deriska & kuwa Gobolka wuxuuna sheegay in “ Ciidamada USA ay diyaar u yihiin iney ka jawaabaan xasaradaha colaadeed ee Ethiopia”.

150830cookie-checkKhilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay USA & Djibouti