Maxaa Sababay Cillada Farsamo Ee ku timid Internet-ka Dalal ay Somalia ka mid tahay 

Africa News Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay cilado farsamo oo ku timid Adeegga internetka ee qaybo ka mid ah Dalalka Afrika iyo Bariga Aasiya taladaadii shalay, iyadoo muddo 4-5 saaxadood uu Caasimada Mogadishu ay ka maqneyd Internet-ka…

Hey’adda Netblocks oo qaabilsan la socodka internetka ayaa sheegtay inay u badan tahay burbur weyn oo gaaray fiilooyinka badda hoostooda mara xeebaha Soomaaliya, Jabuuti, Tanzania, Madagascar iyo Pakistan oo ka mid ah dalalka ay dhibaatada Internet-ka saameysey, iyadoo dhibaatadan loo aaneynayo go’itaanka isku xirka AAE1 iyo SMW5 oo ah xarkaha badda hoosteeda mara sida ay sheegtay Netblocks.

Xarkahaan internetka ee Aasiya, Afrika iyo Europe ee badda hoosteeda mara, oo loo yaqaano AAE1, waa mid ka mid ah afar hab oo waaweyn oo isku xidhka internet-ka qaaradaha iyo 19-Dal, Ilaa 380 xarkaha badda hoosteeda ah ayaa ah laf-dhabarta internet-ka caalamka, balse khubaradu waxa ay muddo dheer ka digayeen in ay u nugul yihiin dhibaatada ay u geysan karaan barroosinnada maraakiibta iyo dhagaxyada badda hoosteeda.

193620cookie-checkMaxaa Sababay Cillada Farsamo Ee ku timid Internet-ka Dalal ay Somalia ka mid tahay