Yaa Fashiliyay Isku Daygii Isbaheysi Ee uu Buurmadow Abaabulaayay

Somalia news

Horraantii sanadkaan markuu Oday Dhaqameedka Cismaan Buurmadow uu yimid Muqdisho, waxaa lagu soo dhoweeyay maqaam sare, Wuxuu ku duulayay dabeyl isbeddel-doon ah, taasoo oday dhaqameedyada Muqdisho ugu saameynta badan ay u guuxeen, inkastoo markuu si kaftan u sheegay in Beeshiisu Hogaanka u heyso 2-da Dowladood ee dhisan ( Dowladda Federaalka & Kooxda Shabaab), wuxuuna Buurmadow la kulmay dhaleeceyn iyo ku eedeyn inuu u qaameysan yahay dadka ay Kooxdu ku leysay Konfurta Somalia kuna gumaaday…

Siyaasi Degaanka ka soo jeeda ayaa ka dalbaday Cusmaan Buurmadow inuu bixiyo magta dadkii ku baxay gacanta Shabaabka, Khubdadaasi oo ‘kaftan’ ahayd ayaa waxay sii kala fogeysay Buurmadow iyo Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Muqdisho, Waxaa xigtay in beesha Dirta Waqooyi oo uu Buurmadow ka mid yahay ka cawdeen Ra’iisal Wasaare Rooble oo uu ku tilmaamay nin xaqa beesha duudsiinayay, Wuxuu ka codsaday Beesha Rooble inay ceshadaan Ra’iisaal Wasaaraha, Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa dadkii soo jeediyay Senator Cabdi Xaashi Cabdi iyo Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Buurmadow oo ka shidaal qaadanaaya Farmaajo & Fahad ayaa soo saaray baaq ay kula mideysan yihiin siyaasiyiinta beeshiisa qaarkood wuxuuna kordhiyay dadaallada uu ku doonayay inuu ku mideeyo siyaasadda beeshiisa oo ka mid ah beelaha awood-qeybsiga 4.5 ku salaysan, Xiriir ayuu la sameeyay Madaxweynaha Koonfurl Galbeed, kalana hadlay isbahaynsi Digil & Mirifle iyo Dir marka doorashada Madaxweynaha ay dhacayso.

Dhowr caqabadood ayaa Buurmadow soo foodsaaray dadaalkiisa, Midi waxay ka soo jeedda loollankii uu Buurmadow la galay garabka Mahdi Guuleed, Buurmadow wuxuu ka socday Madaxweynaha Somaliland oo u xusul-duubaya yaraynta saameynta siyaasadeed ee Mahdi Guuleed, dhanna wuxuu Biixi kala socdaa Madaxweynaha Jabuuti oo xubnaha beesha Ciise faray inaysan u codeynin Madaxweyne Farmaajo haddii uu isu soo taago in dib loo doorto, halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wuxuu Buurmadow ka codsaday inuu u sheego sida Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed, u arko isbahaysiga uu Buurmadow u arko mid la samayn karo. Waxay ahayd su’aal Buurmadow ku noqotay laf dhuun gashay. Waxaa u caddaatay Laftagareen in Buurmadow uusan xitaa taageerada Dirta Waqooyi badankeed haysan, iskaba dhaaf beesha Dir guud ahaan.

Sida la saadalinaayo beesha uu ka tirsan yahay marka la eego dhanka awood qeybsiga waxay u codeyn doontaa badankeed Madaxweyne Farmaajo, Boqor Buurmadow wuxuu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni markuu Muqdisho booqanyay dhowr bilood ka hor, Codadka tirade yar oo uu Buurmadow saameynta ku leeyahay Meesha ay aadi doonaan ma cadda waase suuq furan, Dagaal siyaasadeed ayuu Buurmadow ka bixi waayay intuu Muqdisho joogay, Way ku adkaatay inuu noqdo oday-dhaqameed iyo siyaasi. Boqor Buurmadow meeshuu u qoystay ayuu ku qallajistay, Wuxuuna ku soo biyo shubtay Maahmaahdii aheyd ”Habarjeclooy Muuse Waa Kaa”.

182680cookie-checkYaa Fashiliyay Isku Daygii Isbaheysi Ee uu Buurmadow Abaabulaayay