Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo muddo bilooyin ah u dhaxeeya Gudoomiyaha Gobolka Benadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caana-boore, kaasoo salka ku haya muran dhinaca dhaqaalaha ah….
Xogtaan ayaa tilmaamtay in Khilaafkaan oo soo taagnaa muddo dheer uuna salka ku hayo qaabka kharashaadka looga bixinayo akoonka dowladda Hoose ee laga furay Bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay, Inkastoo saxiixa lacag la soo bixidda ay kuwada qoranyihiin labadaan masuul, haddana waxaa lacag kasta oo la soo bixinayo la socoto warqad ka soo baxeysa xafiiska Duqa Magaalada, iyadoo la’anteed aan lacag la soo bixin karin.
Dhaqaalaha uu saxiixeeda muranka ka dhashay ayaa la sheegay in labadan mas’uul ay si shaqsi ah u isticmaali rabeen, waxaana la sheegay in marka hore uu la baxay Guddoomiyaha gobalka Benadir, isagoo sababta ku sheegay inuu isaga bixin doono kiro guro iyo arrimo kale, halka ku xigeenkiisana sidaas oo kale uu soo qortay balse guddoomiyaha gobalka ayaa diiday in uu saxiixo sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan gobalka.
Dhanka kale, Waxaa maalmahaan aad u soo kordhay In Maamulka Gobolka ay Ciidamada Hubeysan u diraan Goobaha Ganacsiga, si loo cabsi geliyo Ganacsatada, iyadoo lagu guda jiro xili kala guur ah, isla markaasna ay Maamulka ay ku fashilmeen iney biyo wadooyinka Xiray iyo qashinka ka qaadaan