Ma Dhabaa in Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa Lagu Xiray Wariye Soomaali ah…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Wariye iyo Falanqeeye arrimaha gudaha la sheegay in laga qabtay Gudaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa, Isago ku soo jeeda magaalada Mogadishu, waxaana lagu eedeeyay basaasnimo iyo Qodobo kale…

Wararka ayaa sheegaya in Wariyahaan lagu magacaabo Abdirahman (Macallin) Sahal Yusuf, oo ka mid ahaa Ardaydii ka soo aflaxday Jaamacadaha Dalka Sudan, isla markaasna la sheegay inuu ka mid yahay Kaadiriinta NN iyo Demu jadiid, ayaa lagu eedeeyay basaasnimo wuxuuna ka soo jeeda Beesha Ogaden.

Bilihii ugu dambeeyay Maamulka Muuse Biixi ayaa sare u qaaday ugaarsiga Muwaadiniinta ka soo jeeda Beelaha Daarood kadib markii looga adkaaday Dagaalkii ka socday Duleedka Laas caanood, waxaana la sheegay in tiro badan oo Dadka ka soo jeeda Beelaha Daarood lagu dhibaateeyo Degaanada Beelaha Isaaqa.

280850cookie-checkMa Dhabaa in Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa Lagu Xiray Wariye Soomaali ah…