Maxaa Ka Run ah in Shaqaalaha Safaaradaha, Qunsuliyadaha & Ergooyinka Somalia Baaris lagu hayo..

Somalia news

Qoraal ay soo saareen Mas’uuliyiinta Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa looga codsaday Danjirayaasha Somalia Dalka dibadiisa ku sugan iney muddo gaaban ku soo gudbiyaan Liiska Diblomaasiyiinta, Shaqaalaha Safaaradaha, Qunsuliyadaha iyo Ergada Somalia ee Xafiisyadooda ka howlgala…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Villa Somalia ayaa gadaal ka riixeysa Qorshahaan, wuxuuna salka ku hayaa sidii loo ogaan lahaa cid kasta oo la magacaabay intii uu xilka hayay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada ee Is casilay Abshir Cumar Huruuse, isla markaasna laagu wado in isbedel lagu sameeyo dhammaan safaaradaha iyo Qunsuliyada Soomaaliya ay ku leedahay caalamka, iyadoo baadigoobaysa cid kasta oo lagu tuhmo dhinaca Huruuse, Safaarad kasta ayaana warqadan loo diray.

oraalkaan ayaa la faafiyay 28-kii Decembar 2023-kii, waana 9-Maalin, kadib Iscasilaadii Ex-Wasiir Huruuse iyo kudhawaaqidii Musharaxnimadiisa Puntland, Xiligaan waxaa Shaqada Wasaarada haga Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Cali Balcad soona saaray Qoraalkaan isagoo fulinaaya amarka Hasan Gurgurte.

Xogo loo qaateen ayaa xaqiijiyai in Ilaa hadda 10 ka mid ah Diblomaasiinta Safaaradaha Somalia ee dibada oo la qoray August 2022 ilaa November ayaa la buriyey magacaabidooda, si ay Villa Soomaaliya Boosaakaasi ugu buuxiso Kaadiriinteeda (Demu jadiid) iyo xubno ka mid ah Qaraabada Madaxweynaha.

298210cookie-checkMaxaa Ka Run ah in Shaqaalaha Safaaradaha, Qunsuliyadaha & Ergooyinka Somalia Baaris lagu hayo..