Waxaa weli taagan oo aan xal loo helin Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo & Rooble, iyadoo Magaalada Muqdisho laga dareemaayo xiisad Colaadeed, oo salka ku haysa Maamulka Xarunta hay’adda NISA, kadib markii Farmaajo iyo Rooble ay kala magacaabeen laba Agaasime..
Xiisaddaan ayaa u muuqata inay horseedi karto dagaal dhiig badan daato, iyadoo ay muuqato abaabul hoose iyo daandaansi abuurid dagaal kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Duufaan ay Habeen hore ku dhowaadeen guri uu degan yahay Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Xogtaan ayaa sheegeysa in dhammaan Ciidamada Dowlada ay kasoo horjeedaan Farmaajo, marka laga reebo laba ciidan oo weli taageero u muujinaya, kuwaasoo kala ah ciidamada Gorgor, Duufaan oo ka tirsan NISA iyo kuwa ay kala hogaamiyaan Yasin Faray iyo Farxaan Qaroole.
Si kastaba, Ra’iisul Wasaaraha Mr.Rooble, ayaa rumeysan in laga adkaan karo Farmaajo iyo kooxdiisa iyadoo aanu dagaal ka dhicin Muqdisho, taasoo la sheegay in Farmaajo uu aad u doonayo, maadaama wax sumcad ah aysan u harin, wuxuuna adeegsanayaa Xubnaha Qorqor, Cabdi Qeybdiid, Senatorada Dhegay iyo Dhagdheer.
Dhanka kale, Ururada Bulshada Rayidka ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan Khilaafka Rooble & Farmaajo, gaar ahaan Afduubka iyo Dilka Ikraan Tahliil, Qoraal ay soo saareen ayeey ku koobeen iney walaac ka qabaan Khilaafka u dhaxaaya labada Nin.