Maxaa Xiligaan Deni ku Qasbay inuu Ku Baaqo Wadahadal Nabadeed Khilaafka Doorashada Puntland..

Somalia news

Inkastoo 25-kii sano ee uu soo dhisnaa Maamulka Puntland lagu jiray marxalad dhalanteed ah oo Humaag aan waxba ka hooseyn, Shacbigiina lagu kala qeybiyo aragtiyo Beeleysan, Canshuur baad ah oo aan Xisaabcelin laheyn 5-tii sanaba mar qolo ridan jirtay, Maleeshiyaad qabiil la hubeeyey ay u dhisneyd, ayaa Hadda soo istaagtay Istankii ugu dambeeyay…

25 sano oo Riyo been ah la shubaayay ayaa gabagabo taagan tahay Nidaamkaan Qabaliga ah, iyadoo Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaadka yahay Kulankii dhawaan Islaan Ciise uu la qaatay dhowrka Saac Todobaadkii hore ayaa waxaa ka dhashay hadalka shalay uu ka dhawaajiyay kaasoo ah inuu Nabad iyo Wada hadal ugu baaqay Kooxaha Mucaaradka Hubeysan.

Oday-Dhaqameedka Beesha Garoowe ayaa u sheegay Mr.Deni “Nabad ku dhawaaq marka hore si waadix ah oo 8-da Janaayo intaan la gaarin fur wada xaajood, markaas ayaan Annagu wax qaban karnaa” Ayuu ku adkeeyay Islaan Ciise, isagoo sidoo kale ugu baaqay Xoogaga Mucaaradka iney qaataan Nabada uu Deni ku baaqay Wada hadalna ka galaan Hanaanka Doorashada.

Dhanka kale, xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in kulanka berito oo Axada ah ay Danjirayaasha Wakiilada Beesha Caalamka la yeelan doonaan dhinacyada isku haya Doorashada Puntland lagu go’aamin doono heshiis guud, Waxaana ergada WB Hogaamin doona Wakiilka USA.

5/5 u fariista: qadadii shalay Deni loo sameeyey, Tarihii oo qadada sii wada!
Nimanka Laxaha sii dhawrayoow
Dhaqasho..

Mr.Deni oo muddo ku dhuumanaayay Xerada Ciidamada 54-aad ayaa shalay duleedka magaalada Garoowe Martiqaad ugu sameeyay taageerayaashiisa, wuxuuna u balanqaaday in la qaban doono 3-Degaan ee aan weli doorashada laga qaban Gobolka Nugaal isla markaasna uu qaban doono Aftida Dastuurka iyo Tirakoobka Dadweynaha.

288040cookie-checkMaxaa Xiligaan Deni ku Qasbay inuu Ku Baaqo Wadahadal Nabadeed Khilaafka Doorashada Puntland..