Kirada Diyaaradaha Oo Qiimahoodu Sare U Kacaaya Sanadka Cusub

Somalia news

Mas’uuliyiinta Shirkadaha diyaaradaha Jetways, Paf, iyo Silver Stone oo kamid ah kuwa ugu saameynta iyo dhaqdhaqaaq badan ee kireeya diyaaradaha ayaa sanadka cusub ee 2021 waxa ay kordhinayaan Qiimaha ay shirkadaha iyo ganacsatada Somalia uga ijaaraan diyaarahadooda…

Madax katirsan Shirkadaha Duulimaadka Soomaaliya ayaa oo ogaaday xogta kusaabsan Sarę u qaadidda Qiimaha lagu Kireeyo Diyaarahada u kala sonda gudaha Waddanka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkadaha Diyaaradaha ee kala ah JetwaysPaf, iyo Silver Stone ay gaareen go’aan lagu Kordhinayo Qiimaha Soomaaliya looga Kireeyo diyaaradaha u kala socda gudaha Waddanka ama aada gobolada kaladuwan ee dalka.

JetwaysPaf, iyo Silver Stone waxa ay hadda Diyaaradaha uga  kireeyaan ganacsadata duulimaadka ee Soomaaliya $800 (Sideed boqol oo dollar) saacaddii hayeeshee 2021 Qiimahaas ayaa gaaraya 1,500 (Kun & Shan boqol oo dollar) taasina waxa ay horseed doontaa kor u kaca Qiimaha  dadweynuhu ku raaco diyaarahada gudaha.

Sababta ay Shirkadaha diyaaradaha Kenya ay u kordhinayaan Qiimaha ay ganacsadata Soomaaliya uga Kireeyaan diyaaradaha waxa lagu sheegay in ganacsato Kenyan ah iyo madax katirsan Dowladda Kenya ay iskudeyayaan sidii dib loogu soo kabi lahaa dhaqaalaha Qaadkii Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya oo istaagay, taas oo sababtay in dhaqaalaha gobolka Meru uu hoos u dhaco

Xaaladdan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli gudaha wadanka ay ka jirto Dhaqaalo xumi ka dhalatay xanuunka Covid-19, si gaar ahna u saamaysay ganacsiga la xiriira isku socodka duulimaadyada dalka gudihiisa.

80930cookie-checkKirada Diyaaradaha Oo Qiimahoodu Sare U Kacaaya Sanadka Cusub