Turkiga Oo Buuxinaaya Booskii Bali-doogle Ee USA Ay Baneeyeen

Somalia news

Todobaadkii tagay ayeey Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka waxeyna ku Eedeeyeen Danjiraha Turkiga ee Muqdishu inuu qaabilay Guddiyada Doorashada ee Muranka ka taagan yahay, sidoo kale waxey cod dheer ku sheegeen inuu joojiyo (Turkey) Hubka iyo Saanada uu siinaayo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo xiligaan kala guurka ah…

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Dowladda Turkiga ay Somalia ugu deeqday ilaa 5 diyaaradaha Drones-ka ah kuwaasoo qaarkood lagu arkay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana la sheegay in Sarakiil Turkish ah ay howlgalinayaan Hagista Diyaaradahaan.

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Dowladda Federaalka ay u oggolaatay Ciidamada Turkiga iney la wareegaan Garoonka diyaaradaha ee Bali-doogle oo maalmahaan ay ka guuraayaan Ciidamada Mareykanka, Talaabadaan ayaa u muuqata mid ay dhegaha ka fureysteen Baaqyada loo jeedinaayo Dowladda Ankara.

Cam-Tursh-Som oo ku yaal Duleedka Muqdishu ayaa la sheegay in Dugsigaasi uu markii qaadi karo 1500 Leyli askari, waxaana Qorshuhu yahay iney tababari doonaan 10.000 oo Ciidamada Gorgor kuwaasoo inta badan ka howlgala Gobolada Gedo iyo Galgudud, Waxeyna Ciidamadaan ugu deeqday 1000 qoriga noociisu yahay G3 iyo 150.000 oo Xabadood, shixnadaan ayaa dalka keentay Diyaarad ay Ciidamada Turkey leeyihiin sumadeeduna tahay TUAF767.

Saameynta Ciidamada Danab Ee Turkiga

Waxaa welwel laga muujinaaya mustaqbalka isbedelka garoonka Balidoogle iyo saameyn ku yeela doonta ciidamada Danab ee la aasaasay 2013 oo intooda badna lagu tababarro Somalia, koox yarna loo qaado dibadda, waxaana mushaarkeeda, saadkooda iyo tababarkoodaba gacanta ku hayey ciidamada Maraykanka.

80880cookie-checkTurkiga Oo Buuxinaaya Booskii Bali-doogle Ee USA Ay Baneeyeen