Baraha Bulshada & Baafinta Been abuurka Oo Dhibaato ku ah Bulshada Isticmaasha

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u kordhay tirada Shacbiga Soomaaliyeed ee isticmaala iyo adeegsiga Baraha bulshada, waxaana barbar socday in si khaldan loo adeegsado oo marar qaarkood ay gaarto aflagaado iyo Been abuur la qoro, waxaana u dambeeyay labada Muwaadin oo muqaal la duubay iyo warar been abuur ah soo dhigay barahooda…

Bal marka hore aan faalo kooban ka bixino Gabadh Soomaaliyeed oo degan Magaalada Istanbul ayaa hadal muuqaal ah oo xasaasi ah ay beejkeeda Tiktok soo dhigtay, iyadoo uga hadashay Qaraxii magaalada ka dhacay, muuqaalkaan ayaa abuuray xasaasiyad horseedi karta in la dhibaateeyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Turkiga, waxaana soo baxaaya warar aan ka xaqiijin oo sheegaya in Hey’adaha Amaanka xireen.

Dhacdada kale ayaa ah in Wariye lagu magacaabo Munsaar Maxamed oo turkiga degan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal been abuur ah oo uu ku sheegaayo in Ciyaartooydii Xulka Qaranka ee 17-da, ay Dowlada Federaalka amartay in laga saaro Hoteelkii ay ka degenaayeen magaalada Mogadishu, wuxuuna intaasi raaciyay in ilaalada Hoteelka ay xoog u adeegsadeen Ciyaartooyda.

Waxaa kaloo jira Weriye ku nool degaanka Guricel laguna magacaabo Maxamed Cabdiweli Tooxow oo sida ka muuqata maskixiyan uu jirin yahay, wararka uu sii daayana yihiin kuwo aflagaado iyo kicin beeleed oo uu waday bilihii ugu dambeeyay horeyna dhowr jeer hore loo xiray xadgudyada uu u geysanaayo Beelaha qaarkood kuwaasoo ilaa hadda Hey’adaha Amaanka aysan wax talaabo ah ka qaadin.

225510cookie-checkBaraha Bulshada & Baafinta Been abuurka Oo Dhibaato ku ah Bulshada Isticmaasha