Koox Hubeysan Oo Dilay Sarkaal Dowladeed

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya koox hubeysan ayaa mar sii horeysay ku dilay Sarkaal ka tirsanaa wasaarada Maaliyadda Somalia Magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa sheegay in Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Liberia, waxaana Marxuumka la toogtay magaciisa lagu sheegay Cali Xaaji, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi, Toogashada ayaa ka dhacday goob lagu shaaxo oo ku taalla Suuqa Liberia, waxaana ragga weerarkan fuliyey ay ku hubeysnaayeen Bistoolado.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Marxuum Cali Xaaji uu ka tirsanaa qaybta Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo maydka ay goobta kasoo qaadeen ciidamada amniga.

173810cookie-checkKoox Hubeysan Oo Dilay Sarkaal Dowladeed