Kooxda Daacish oo Sheegatay Qaraxii Kampala

Somalia news

Kooxda ISIS ayaa Isniintii shalay aheyd sheegatay mas’uuliyadda qarax ay dad ku dhinteen oo Sabtidii ka dhacay maqaayad ku taalla dalka Uganda, iyadoo Boliiska ay weerar ku tilmaamay ficil argagxisio oo maxalli ah, falkaan ayaa noqday midkii ugu horeeyay in muddo ah…

Kooxda Baarayaasha Boliiska ayaa sheegaya in haweeney 20 jir ah lagu dilay saddex qof oo kalana lagu dhaawacay qarax ka fiidnimadii Sabtidii dhacay maqaayad caan ah oo ku taalla waqooyiga caasimadda Kampala.

Saraakiisha Boliiska ayaa sheegay in walxa qarxa looga tagay miis hoostiis, taasoo muujinaysa in howshan ay fuliyeen kooxo aan aqqoon durugsan u laheyn, waxayna hoos u dhigeen in ay wax xiriir ah la lahayd shabakad shisheeye.

Hase yeeshee, farriin ay Kooxda argagixisada Daacish soo dhigatay boggeeda baraha Bulshada ayay ku sheegtay in ay weerarka fulisay, waxayna sheegatay in ay dishay laba qof 5-kalena ay dhaawacday.

147660cookie-checkKooxda Daacish oo Sheegatay Qaraxii Kampala