Koox Dabley ah Oo ka Afduubtay Dhakhtar & 2-Qof oo kale Degaanka Fino (Kenya)

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee laga helaayo magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay bilaabeen howlgalo lagu badbaadinaayo Dhakhtar Kenyan ah oo laga afduubtay degaanka Fino oo hoos tagta magaalada Mandheere…

Sida laga soo xigtay Xoogaga Amaanka koox hubeysan ayaa maalintii Jimcihii afduubtay 3-Qof oo ku sugnaa xarun Caafimaad ee degaanka Fino, iyadoo laba ka mid ah ay ahaayeen Dadka degaanka halka Qof kale uu ahaa Dhakhtar aan degaan u dhalan.

Wararka ayaa sheegay in Kooxda Dableyda ah ay kala talaabeen 3-Qof Xuduuda Somalia, iyagoo markii dambe soo daayay 2-Qof ee degaanka u dhashay, waxeyna horey u sii kaxeysteen Dhakhtarkii iyo xoogaa Agab & Daawo Caafimaad oo xarunta tiilay, Iyadoo loo badinaayo iney Afduubkaan ka dambeeyaan Kooxda argagixisada Shababka.

170420cookie-checkKoox Dabley ah Oo ka Afduubtay Dhakhtar & 2-Qof oo kale Degaanka Fino (Kenya)