Kooxda Shabaabka Oo Sheegtay Iney Laayeen Ciidamo Kenyan Ah

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga Gobolka Wajeer ee Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas ay weerar culus ka fuliyeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shabaabka, kuwaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac..

Sida la xaqiijiyay ilo wareedyo loo qaateen ah weerarka ayaa la la beegsaday Ciidamada Kenya oo ku sugan tuulo lagu magacaabo Konton oo hoostagta degmada Qorof-xaraar ee Gobolka Wajeer, Waxaana fuliyay tiro Maleeshiyaad ah oo ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka.

Weerarka oo isu’gu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah ayaa sida wararku sheegayaan waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo dowladda Kenya aysan faahfaahin ka bixin, War ka soo baxay Kooxdaan ayaa lagu sheegay in ay weerarkaas ku dileen in ka badan 30 askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya.

155860cookie-checkKooxda Shabaabka Oo Sheegtay Iney Laayeen Ciidamo Kenyan Ah