Maxaa Ka Hortaagan in Jubbaland-ta Maanta Horumarinta Dhaqaalaha & Beeraha

Somalia news

Sida aan la socono Degaanada Gobolka Jubada hoose waa degaan ilaahey ku maneystay Dhul-beereed iyo Xeebo ku wanaagsan Kaluumeysiga iyo Dalxiiska, balse ayaan darro, Hogaanka Maamulka Jubaland-ta Maanta ayaan ka faa’iideysan Dadka degaankana ku haya caburin…

Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa hoos usii socday dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo dhaqaalaha Magaalada, iyadoo ilo wareedyo ay xaqiijiyeen iney xirmeen ku dhawaad 400-Meheradood oo Ganacsi ahaa kana furnaa Magaalada, kana qaxeen, waxaana lagu sababeeyay Maamul xumida iyo Siyaasada Jufeysan ee Maamulka Axmed Dhuxul.

Ilo Wareedyo ayaa si hoose u sheegay in isha Dhaqaalaha ee Dekeda ka soo xaroota ayaa hoos u dhac xoogan ku yimid Sanadkii ugu dambeeyay waxaana lagu sababeeyay Maamul xumida Hogaanka Dowlad Goboleedka, iyadoo Ganacsato badan ay u wareegeen Mogadishu iyo Mombasa.

Cakrinaanta heysata Magaalada Kismaayo ayaa waxaa sabab u ah..

-Cunaqabataynta Kooxda Argagixisada Shababka kusoo rogtay Dekeda, kadib markii Dhuxushii la dhoofin jiray ay joogsadeen.

-Dhaqaalaha baada ah ee kooxda Shabaabka ay Dadka si toos ah ugaga qaadaan gudaha iyo dibada Magaalada.

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Jubbaland ayaa xaalka Maamulka ku sifeeyay in Beel kaliyah ay ku soo uruureen Ganacsigii iyo Masmulkii Magaalada iyafoo ay sii dheer tahay in Dadka si joogto ah loo dilo, xiro isla markaasna loo saariyo iney ka tirsan yihiin Kooxda argagixisada.

247890cookie-checkMaxaa Ka Hortaagan in Jubbaland-ta Maanta Horumarinta Dhaqaalaha & Beeraha