Kooxda Waayaha Cusub Oo Hurdada U Diiday Farmaajo

Uncategorized

Hees looga soo horjeeday Hogaanka muddo xileedkooda gebaabsiga yahay ee Villa Somalia, ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u qabsatay baraha bulshada, iyadoo hurdada u diiday…

Heestan oo loo bixiyey (Nabar iyo Naxdin) oo lidi ku ah halka ku dhega dowladda ee (Nabad iyo Nolol) ayaa waxaa qaaday fanaaniin ka tirsan kooxda waayaha cusub oo ku sugan qurbaha kuwaasoo ay ka mid yihiin Falis Cabdi iyo kuwo kale.

Ereyada heestan oo ay ku jireen qaar aflagaado u muuqday oo anshax ahaan laga fiicnaa ayaa waxaa ka mid ahaa:-

“Nabad iyo nolol ah, Naqnaq badana, Nabadba ma hayaane, Aaway noloshu, Neerfahay xanuunsheen, Maatadii nuglayd, Nuxnuxdooda badane, Dadkii way naafeeyeen, Wayna nolol tireen, Ninku ninkii ma ahane, Yaan la niyad jabin, In loo nacamleeyana Waa nacasnimo, Naruurana ma lahane, Ha la wada naco, Nabar iyo naxdin, Dub naxana maleh, Kaligood baa nacfiyay, Misna naaxay, No no dhaha, No na dhaafa No no dhaha”

41220cookie-checkKooxda Waayaha Cusub Oo Hurdada U Diiday Farmaajo