Baxsashada Janan Oo Caddeysay 3-Sifo…

Uncategorized

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir Mr.Cabdiraxmaan C/shakuur ayaa soo bandhigay 3-sifo oo caddeyn u noqoneysa talaabada ay qaaday Maamulka Farmaajo una aadan baxsashada Wasiir Cabdirashiid Janan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu ku sheegay In Maamulka Farmaajo ku sifoobeen, “Karti xumida, Aqoon darro iyo Waayo aragnimo la’aan, hoose ka Akhri.

Bishii abriil 2019-ka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sida ay sheegtay iyadoo xeerinaysa danta guud ee caddaaladda iyo codsi kaga yimid Xeer Ilaalinta soo saartay go’aan ay ku xirayso gal dacwadeed-kii C/rashiid Janan, wasiirkii amniga Jubbaland. Bishii Ogoosto 2019-ka ciidanka Nabadsugidda ayaa gegida diyaaradaha Aadan Cadde ka qabtay C/rashiid Janan, iyagoo sheegay in danbiyo loo haysto. Maantana waxay dowladdu la shir timid in Janan uu xabsiga ka baxsaday.

Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa shacabka Soomaaliyeed u sii caddaanaya karti xumida, aqoon darrida iyo waaya aragnimo la’aanta madaxda Dowladda Federaalka ah ee hoggaanka dalka haya.

Falalka sharci ku tumashada ah ee ay ku kacayan waxay dhaawacaysaa kalsoonidii iyo aaminaaddii ay shacabka ku qabi lahaayeen hay’adaha dowladda. Waxay dilaysaa xurmadii iyo haybaddii dowladnimo, waxayna god dheer ku ridaysaa rejadii laga lahaa dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo caddaalad, Dastuur iyo sarreyn sharci ku dhisan.

Dhammaanteen waxaa xil naga saaranyahay in aan gacmaha qabanno si aysan noola dejin doonta aan wada saarannahay, iyaguse ay naaquudaha ka yihiin.

13710cookie-checkBaxsashada Janan Oo Caddeysay 3-Sifo…