Madaxweynaha Dadaalkiisa & Damaca Dani muxuu ku Dambeyn Doonaa

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegtay in Safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ku tagay magaalada Garoowe uu salka ku hayo 6-Ujeedo oo laga doonaayo inuu kala heshiiyo Maamulka Saciid Dani oo aad uga careysan in aan laga talo gelin Xulashada Wasiirada Dowlada..

Xogtaan ayaa sheegtay in hirgelinta Safarkaan ay saameyn ku leeyihiin Dowlada Imaaraadka Carabta waxeyna Madaweynaha ka codsadeen inuu dhagax dhigo Mashruuca balaarinta Dhismaha Dekeda Boosaaso, isla markaasna culeys ku saartay Saciid Dani inuu Qaabilo.

Qodobada Miiska Saaran:-

-Deyn Cafinta Dalka in laga gacan siiyo.

-In la iska kaashado la dagaalanka kooxaha Argagixisada.

-In Lagu wareejiyo Dhaqaalaha Dekada Boosaaso Dowlada Federaalka.

-In La dhameeyo Khilaafka ka dhashay magacaabista Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka.

-In laga wada hadlo Arrimaha Shidaalka & Kaluumeysiga.

-In Laga tashado Khilaafka ugubka ah ee u dhaxeeya Ethiopia & Somalia.

210000cookie-checkMadaxweynaha Dadaalkiisa & Damaca Dani muxuu ku Dambeyn Doonaa