Ma Dhabaa in Kooxda Shababka Afduubteen Gaari Booyad ah Oo Shidaal siday

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa afduub loo geystay Gaari booyad ah oo shidaal u siday Laanta Magaalada Beled weyne ee Shirkadda Hormuud, kaasoo maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Argagixisada ku dhaqaaqeen falkaasi…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shababka ay siideynta Gaariga shuruud uga dhigeen in Mas’uuliyiinta Shirkadda Hormuud soo fasaxaan 3,5-Millions US$ oo ay Dowladda Federaalka xayiraad ku saarrat dhaqdhaqaaqa Account-ga Xisaabtaasi ku jirto iyo kuwo kale.

Xiisada u dhaxeeysa Shirkadda iyo Kooxda argagixisada ayaa cirka isku shareertay tan iyo intii Kooxaha dabgalka dhaqaalaha kooxda shababka ay baaris ku bilaabeen, Saraakiisha Dowladda ayaa digniino adag u jeediyay Shirkadaha, Bangiyada iyo Xawaaladaha dalka iney la macaamilaan Kooxda argagixisada.

234080cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Shababka Afduubteen Gaari Booyad ah Oo Shidaal siday