Olole Lagu Carqaladeynaayo Kulanka Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka Oo Ilaa Xalay Socday

Somalia news

Iyadoo maanta lagu wado in Xildhibaanada & Senatarada ay yeeshaan kulan Wadajir ah oo la doonaayo in lagu ansixiyo habraaca Guddiyada Doorashada ee Gudoonka Labada Aqal & Doorashada Madaxweynaha, ayaa waxaa soo shaac baxaaya Olole xoogan oo lagu carqaladeynaayo…

Qorshahaan ay kooxda Farmaajo & Fahad ay ku doonayaan si wakhti lagu lumiyo si aan loo qaban Ansixinta soo jeedinta Guddiyada Doorashada, waxaana Ololahaan hormuud ka ah Xildhibaano & Senataro, kuwaasoo ilaa xalay waday abaabul xoogan sidii ay ku heli lahaayeen tiro ku filan oo hor istaagi karta Qorshaha Doorashada Gudoomada Baarlamaanka.

Iyadoo ujeedka kooxdaan ay tahay sidii dib loogu dhigi lahaa ilaa Bisha Ramadan dhamaadkeeda, ilo wa ayaa sheegay in Farmaajo & Fahad ay diyaaraadeen 90-Xildhibaan & Senataro ah, Ololahaan ayaa salka ku hayo sidii Fahad wakhti loogu siin lahaa inuu Maxkamada ka soo dhamaado kadibna loogu doorto Gudoomiye kuxigeenka 1-aad.

183250cookie-checkOlole Lagu Carqaladeynaayo Kulanka Labada Aqal Ee Baarlamaanka Federaalka Oo Ilaa Xalay Socday
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com