Maxey Aheyd Fariintii Maldahneyd Ee Abiy Oo Dood Badan Ka Dhalisay Baraha Bulshada

Africa News Somalia news

Inkastoo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu shalay si heer sare ah u soo dhaweeyay Madaxwwynaha Dowladda Federaalka oo Safar shaqo ku tagay Caasimada Addis abeba, Mr.Abiy ayaa Bartiisa Tweetter-ka soo dhigay Fariin Maldahan oo looga fal celiyay si ka baxaan ujeedada Booqashada iyo anshaxa Warbaahinta…

Mr.Abiy ayaa Adeegsaday ereyi su’aalo badan ay dhasheen oo Muwaadiniinta labada Dal faalo badan ka bixiyeen Fariintaan ayaa nuxur ahaan u qorneyd sidatan, “ Ku soo dhowoow Dhulkii Asalka ahaa Madaxweyne, Ethiopia si diiran ayeey ku soo dhaweyneysaa Safarkaaga Shaqo ee labada Maalmood.

Dadka qaarkiis ayaa fariintaan su’aalo ka keenay waxa loola jeedi ”Dhulkii Asalksa”, halka qaar kale ay qoreen in Dalka Masar lagu tilmaamo ” Hooyada Aduunka”, taasina ay jawaab u tahay Fariinta Abiy, isku soo duub koley Ereyadaan ayaa lagu tilmaamay iney nuxurkii ka qaaday Safar shaqo ee Madaxweynaha waxey dib u soo nooleysa Cadaawadii u dhaxeysay labada Dal.

216030cookie-checkMaxey Aheyd Fariintii Maldahneyd Ee Abiy Oo Dood Badan Ka Dhalisay Baraha Bulshada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com