Kororka Tirada Soomaalida Kenya & Kororka Ka Mid Noqashadooda Taranka Ugu Badan Ee Bulshada Kenya..

Africa News Somalia news

Waxaa la saadaalinayaa in tirada Dadka ka soo jeeda Aslakoodu Somalia ee Kenya u dhashay ay tiradoodu kororta tobannaanka sano ee soo socda, Saadaasha ayaa ku salaysan isbeddellada-taranka Dadwaynaha ee hadda waxaana taageeray xogta Sahankii Qoyska ee u dambeeysay…

Sahanku wuxuu daaha ka qaaday in tirada qoysaska Soomaaliyeed ay ka badan yihiin qoysaska Qowmiyadda kale ee dhanka taranka, iyadoo Raggu ay guursadaan xaasas badan, waxayna leeyihiin carruur badan, Qoysaska Soomaalida ayaa la barba dhigay kuwa ku nool Degaanada Nyeri, Nairobi, Mombasa, iyo Kiambu. Isbarbardhigaas ayaa muujinaya in tirada qoyska Soomaaliga ah ee halkii guriga ba uu ka badan yahay tirada qoysaska guryaha bulshada kale.

Sahanka Miisaaniyadda Qoyska ee Isku-dhafan ee Kenya (KIHBS) ee ugu dambeeyay ayaa tilmaamaysa in magaalooyinka Wajeer, Mandheera, iyo Gaarisa, oo ay ku nool yihiin badi Soomaalida Kenya, celcelis ahaan qoyskiiba ay haystaan lix ilaa toddoba carruur ah, Magaalooyinkan, Wajeer ayaa leh celceliska tirada qoys ee ugu sarreeya oo ah 6.6 carruur ah, waxaa ku xigta Mandheera oo leh 6.4 carruur ah, iyo Gaarisa oo leh 5.5 carruur ah qoyskiiba.

Degmooyinka Tana River iyo West Pokot waxay leeyihiin qoysas aad u tiro badan, celcelis ahaan 5.4 qof qoyskiiba. Sahanka, oo ay soo saartay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee Kenya (KNBS) sanadkii 2019kii, ayaa iftiimiyay in gobollada Wajeer, Gaarisa, iyo Mandheera ay leeyihiin celcelis ahaan tirada qoyska oo ugu badan Kenya.

277600cookie-checkKororka Tirada Soomaalida Kenya & Kororka Ka Mid Noqashadooda Taranka Ugu Badan Ee Bulshada Kenya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com