Ma Dhabaa in Ganacsade Ka soo Jeeda Degaanada Sanaag-Bari Hargeysa lagu Afduubtay..

Somalia news

Waxaa bilihii ugu dambeeyay aad u kordhaayay Ugaarsiga lagu hayo Dadka aragti ahaan ka soo horjeeda Maamulka Waqooyiga Somalia, iyadoo la xaqiijiyay in Xoogaga Amaanka Somaliland ay afduubteen Ganacsade ka soo jeeda Gobolka Sanaag-bari oo laguna eedeeyay inuu ka soo horjeedo Gooni goosadka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah,com news u xaqiijisay in Xoogad hubeysan oo uu Madax u yahay Wiilka Muuse Biixi ay afduubteen Ganacsade Maxamed Axmed Sheekh alias (Hiidh-Tuulo), kaasoo Warshad Kaluunka Farsameysa ku lahaa Magaalada Berbera, iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Dowlada Federaalka isla markaasna dhaqaale ku taageeray Maamulka SSC-Khaatumo, waxaana laga deyriyay xaaladiisa Caafimaad kafib markii uu Dhiigo ju kacay.

Wararka ayaa sheegaya in iyadoo in Maamulka Muuse Biixi uu Dhaqaalo buuran weydisteen Ganacsadahaan isla markaasna kaasoo la sheegay inuu u deyriyay, waxaa la sheegay in Warshadiisa la la wareegay, talaabadaan ayaa welwel ku abuurtay Ganacsatada aan u dhalan Beesha Isaaq ee meheradaha ku leh Magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargeysa.

Dhanka kale, Fanaanada Ugbaad Aragsan ayaa la sheegay in la dhigay Istibaal ku yaala magaalada Hargeysa, kadib markii ay Cuntada ka soontay, iyadoo sidoo kale la sheegay in Jirdilo xoogaga loo geystay ayna caloosha xanuun badan ka dareymeyso, waxaana la sheegay ilaalo xoogan laga hayo qolka ay ka jiifto Isbitaalka.

323200cookie-checkMa Dhabaa in Ganacsade Ka soo Jeeda Degaanada Sanaag-Bari Hargeysa lagu Afduubtay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *