Kulamada Fahad Iyo Safiirada Somalia Ee Pakistan

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Kulamo Qarsoodi ah oo Todobaadyadii ugu dambeeyay ay yeesheen Agaasimaha NISA Iyo Safiirka Somalia u fadhiya Dalka Pakistan Mrs.Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyadoo looga dooday Xiriir hoose oo ganacsi oo ka dhaxeeyo iyo arrimo la xiriira Doorashada…

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Kulamadaan ay u badnaayeen xiriir hoose oo ganacsi oo Labada Mas’uul ka dhaxeeya, kaasoo la sheegay in Badeecooyin kala duwan la geeyo Dalka Pakistan oo qaarkood ay mamnuuc ka yihiin Dalkaasi, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Konteenaro Khamri ah si sharci darro ah Magaca safaarada lagu geliyay dalkaasi, iyadoo la sheegay in Sirdoonka Pakistan ay ka war heleen Kuna wargeliyeen Dowladooda.

Markii lagu soo wargeliyay Wasaarada Arrimaha Dibeda Iyo Madaxtooyada Somalia ayaa la sheegay inuu difaacay Agaasimaha NISA, iyadoo Madaxtooyada ku dhiiran weyday in Xilka laga Qaado Danjiraha Somalia Ee Pakistan, Sidoo kale Kulamadaan ayaa la sheegay in looga hadlay Kaalinta Musharax Cabdikariim Xuseen Guuleed Gudoomiyaha Xisbiga Sahan isla Qaba Mrs.Khadiija.

Si kastaba Xogta ayaa xaqiijisay in markii sadaaxaad todobaad gudahood ayaa waxaa kulamo wada yeeshay mudo saacado ah Agaasime Fahad iy Danjire Khadiijo kaasoo ka dhacay xarunta NISA ee magalaada Muqadsho. Horayna waxa ay ugu kulmeen magalooyinka Doha iyo Istanbul.

84470cookie-checkKulamada Fahad Iyo Safiirada Somalia Ee Pakistan