FAO Oo Sheegtay in Heerkii ugu Sareeyay ay gaartay Abaarta Somalia

Somalia news

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Saddex meelood meel dadka ku nool 420-ka milyan ee Dunida Carabta Oo Somalia ay ku jirto aysan haysan Raashin ku filan, taasoo iftiimisay in 69 milyan ay soo food saartay nafaqo darro Sanadkii hore..

Qoraalka ay soo saartay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha adduunka ee FAO ayaa lagu sheegay in intii u dhaxaysay 2019 iyo 2020 ay tirada nafaqo-xumada hayso ee dunida Carabta kor u kacday 4.8 milyan oo qof oo gaartay 69 milyan, ku dhawaad ​​16 boqolkiiba dadka.

“Kororka heerarka nafaqo-xumada ayaa ka dhacay dhammaan heerarka dakhliga, colaadaha ay saameeyeen iyo sidoo kale dalalka aan colaadaha ka jirin,” sida ay sheegtay Hay’adda FAO.

“Intaa waxaa dheer, ku dhawaad ​​141 milyan oo qof ma aysan helin cunto ku filan sanadka 2020, taasoo ah koror in ka badan 10 milyan oo qof tan iyo 2019,” Waxay sheegtay in masiibada ‘Covid-19’ ay keentay dbibaato kale oo weyn”, iyadoo tirada dadka nafaqo-darradu hayso ee gobolka ay kordheen 4.8 milyan marka la barbar dhigo sanadkii  2019-kii.

Somalia iyo Yemen oo ay colaado ka jiraan ayaa weli ah dalalka ay sida xun u saameysay sannadkii hore, iyadoo ku dhawaad ​​60% dadka Soomaaliyeed ay gaajoonayeen halka in ka badan 45% dadka Yemen ay nafaqo-darro hayso.

156430cookie-checkFAO Oo Sheegtay in Heerkii ugu Sareeyay ay gaartay Abaarta Somalia