Kulan looga Hadlaayo Kooxaha Argagixisada oo lagu Qabtay Dalka Norway..

Somalia news

Wararka naga soo gaaray magaalada Oslo ee Dalka Norway ayaa sheegaya in kulan diirada lagu saaray kooxaha argagixisada, degaanada laga xoreeyay sidii Qorshe dib u soo nooleyn kara adeegyada asaasiga ah iyo habka ugu haboon oo loo wacyi gelin karo in afkaarta khaldan ee mudada kooxdu ku shubeysay Dadka Degaanka…

Kulankaan oo loogu magac daray “Madasha Oslo” waxaa warbixin guud looga dhageystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ka xog-warramay xaaladda degaannada ay qabsatay Dowladda iyo sidii looga hirgelin lahaa tiro Mashruucyo ah oo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xarumaha Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Amniga.

“Madasha Norway” oo ah kulan furan oo ballaaran waxaa lagu gorfeeyaa arrimo is-biirsaday kala duwan iyadoo lagu martiqaado Mas’uuliyiin ka kala socota hadba Dalka la doonayo in laga hadlo dhibaatooyinka ka dhashay Afkaarta xag-jirka ah ee kooxaha Argagixisada, waxaana lagu martiqaadaa Mas’uuliyiin katirsan Dalka dagaalada Diimaha ku saleysan ka dhacaan.

260710cookie-checkKulan looga Hadlaayo Kooxaha Argagixisada oo lagu Qabtay Dalka Norway..