Xog:-Safiirka Somalia Ee EU-da Oo Looga yeeray Mogadishu & Sababta…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Wasaarada Arrimaha Dibeda ay amar ku siisay Safiirka Somalia u fadhiya Dalka Belgium iyo EU-da inuu soo galo Caasimada si wada taahiga loola yeesho, Iyadoo Safarka Danjiraha ay ka soo baxayaan Warar kala duwan..

Xogtaan ayaa sheegtay in Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi ay cabasho ka gudbiyeen Muwaadiniin Soomaaliyeed kuna saabsan ku-takri-fal Maamulkii Safaarada, ceyrin howl-wadeeno muhiim ah, musuq & Qodobo kale. Wuxuuna xilka Safaarada hayay muddo ku dhow Sanad.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Magaalada Brussels dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa La-taliyaha dhinaca Amniga Madaxweynaha Xuseen Macalin oo ay xiriir dhow leeyihiin Dafiirka, isagoo la sheegay inuu amarka Villa Somalia gaarsiiyey Danjire Yoonis.

Wararka ayaa sheegaya in Danjirahaan uu ka mid ahaa Taageerayaashii Farmaajo waxaan lagu wadaa in lagu bedelo Ina Faroole laakiin haddii la is barbar dhigo Ina Faroole & Yoonis waxaa roon Yoonis” ayuu yiri mid ka mid ah Muwaadiniinta Somaaliyeed.

260680cookie-checkXog:-Safiirka Somalia Ee EU-da Oo Looga yeeray Mogadishu & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com