Kulan Wada Tashi ah oo Maamulka & Odayaasha Dhaqanka Ku Yeelanayaan Laas caanood..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maanta lagu wado inuu furmo kulan wada tashi ah oo ay yeelanayaan Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Khaatumo, kulankaan oo diirada lagu saarayo Qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay ka qeyb galka Doorashada Puntland iyo Arrimo kale…

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Isimada dhaqanka SSC ay maalinta berri ah shir wada-tashi ah ku yeelan doonaan Laascaanood.

“Berri oo Taariikhdu tahay 22 December 2023 waxaa Caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo ee Laascaanood uu kulan wadatashi ah uga furmi doonaa Hoggaanka Sare ee Maamulka SSC-Khaatumo iyo Isimmada Dhaqanka deegaanka”, Kulankaas oo lagaga arrinsanayo arrimaha siyaasadeed ee saamaynta ku leh Maamulka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axned Aw Cali (Firdhiye).

294880cookie-checkKulan Wada Tashi ah oo Maamulka & Odayaasha Dhaqanka Ku Yeelanayaan Laas caanood..