Deb Xoogan oo ka Kacay Qeybta Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Dab xoogan uu ka kacay Suuqa Bakaaraha, Dabkaan ayaa qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha, iyadoo la sheegaayo inuu geystay khasaare kala duwan..

Muuqaallo la soo duubay oo lagu baahiyay Baraha bulshada ayaa muujinaya baaxada Dabka, ilaa hadda wax gurmad ah oo Bakaaro gaaray majiro, Dabka ayaa la xaqiijiyay inuu ka bilaawday qeybta lagu iibo Dallagyada Dalka lagu beero, gaar ahaan noocyada Khudaarta, wuxuuna soo gaaray Qeybta Cabdalla Shideeye.

Kooxaha Dab-demiska oo lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Benaadir ayaa sameynin Gurmadkii loo baahnaa inkastoo la sheegay in Gaadiid Shirkadaha ay leeyihiin ay gurmad u fidiyeen sidii loo xakameyn lahaa Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha.

313700cookie-checkDeb Xoogan oo ka Kacay Qeybta Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha Magaalada Mogadishu..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com