Golayaasha Baarlamaanka Oo Go’aan ka gaari doona Miisaaniyada

Somalia news

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ayaa Maanta markii Saddexaad yeelanaya kulan wadajir ah, kaasoo  ku saabsan sii wadidda Akhrinta 3aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022…

Labadii maalmood ee u dambeysay Xildhibaanada labada Aqal oo kulan yeeshay ayaa waxaa hortegayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay su’aalo adag weydiiyeen, iyagoo si adag uga dooday miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2022.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Wasiirka Maaliyadda ku eedeeyay in Afartii sano ee uu xilka haayay Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wasaaraddiisa sameyn xisaab xir, isla markaana ay maqan tahay lacag dhan 193 millions oo US$ ah, Guddoomiyaha Golaha ayaa sheegay in maanta ka go’aan laga soo  gaari doonaan miisaaniyadda dalka.

197820cookie-checkGolayaasha Baarlamaanka Oo Go’aan ka gaari doona Miisaaniyada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com