Siyaasiyiin & Waxgarad Ku Baaqay Inuu Is Casilo Saciid Deni

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kulan ay yeesheen Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda degaanada Puntland ah oo ku sugan Nayrobi, ayaa soo saaray Baaq ku aadan xaalada Puntland…

Baaqaan ayaa lagu xusay in xaalada amaan ee degaanada Puntland ay marayso meel halis ah, Maamulka talada gacanta ku hayana uu dhaxalsiiyay:-

-Colaad sokeeye
-Odayaasha Dhaqanka oo Howlahooda fara gelin lagu hayo
-Maamul xumo baahsan

Waxeyna ku baaqeen in Kulan guud oo wada tashi ah si deg deg ay isugu yimaadaan Dhamaan Isimada Degaanada kaasoo lagu xalinayo Wixii ay khaldeen Maamulka talada haya, laguna soo celinayo kalsoonidii beelaha walaalaha ah ee Puntland wada dhistay.

179180cookie-checkSiyaasiyiin & Waxgarad Ku Baaqay Inuu Is Casilo Saciid Deni