Digiino Laga Soo Saaray Kooxo Hubeysan Oo Burcad badeed ah Oo lagu Arkay Badweynta Hindiya..

Somalia news

Warbixin ay soo saartay Xafiiska Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee UKMTO ayaa xalay sheegay iney heleen Warbixino ka soo baxay Amaanka Baddaha Maxaliga ah oo la rumeysan yahay inay jiraan 2-Kooxood oo Burcad-badeed ah oo ka kooban dhowr Doomood hubeysan iyo Marakab Kaluumeysi ay ka hawl-galeen Badweynta Hindiya oo qiyaastii 600nm u jirta Xeebta Yemen…

Wararka ayaa sheegay in Doomahaan hubeysan ay ka soo shiraacdeen Degmada Eyl ee Maamulka Puntland, waxeyna baadi goob ugu jiraan sidii ay u afduubi lahaayeen Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Xamuulka Shidaalka, maalintii Talaadada aheyd ayeey Ciidamada Badda India ay soo badbaadeen 19-Badmaax oo u dhashay Dalka Pakistan kuwaasoo Doontii ay wateen ay afduubteen Koox burcad badeed Somalia ka soo jeeda.

Sawirro la soo geliyay barta Twitterka ayaa muujinaya ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa badda Hindiya oo ilaalinaya rag gacmaha ka xiran oo loo maleynayo inay katirsan yihiin kooxaha burcad badeedda, Sabtidii, ciidamada difaaca ee Seychelles ayaa soo badbaadiyay lix kalluumaysato ah oo u dhashay Sri Lanka ka dib markii la afduubtay markab ay wateen.

Dhanka kale, waxaa weli taagan xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Kooxdq Xuutiyiinta, Ciidamada UK iyo USA, iyadoo Kooxda Xuutiyiinta ay weerareen tan iyo intii dagaalka Gaza uu bilaawday 21-Markab oo qaarkood ay gubeen, kuwa dhaawacyo u geystaan iyo qaar ay gacanta ku dhigeen kuna hayaan Xeebaha Dalka Yemen.

305150cookie-checkDigiino Laga Soo Saaray Kooxo Hubeysan Oo Burcad badeed ah Oo lagu Arkay Badweynta Hindiya..