Ma Dhabaa in UEA Loo Oggolaaday iney Baaris Shidaal ka Bilaawdo Xeebaha Baraawe

Somalia news

Maamulka Xasan Sheekh oo caan ku ah Dowlad xumida ayaa lagu eedeeyey inuu ku koobay Xisbigiisa iyo kan Daljir Qandaraasyada hoose ee soo saarista Shidaalka Dalka taasoo weli la isku raacin hanaan qeybsiga Kheyraadka, sida ay tilmaameen ilo wareedyo loo qaateen ah…

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Diyaarad qaas ah ay Dawladda Isku taga Imaaraadka Carabta usoo dirtay Muqdisho, waxeyna ka qaaday Saraakiil labada Xisbi ka tirsan uu hormuud u yahay Wasiirka Batroolka Dalka C/risaaq Cumar Maxamed, iyadoo wararku ay sheegayaan in Dalka UEA loo oggolaaday iney Baaris iyo Qodis ka bilaabaan Xeebaha iyo dhulka ku xeeran magaalada Baraawe.

Dowladda Turkiga oo safarkii uu ku tegay bilowgiisii Maamulkiisa (Xasan Sheekh) ayaa la sheegay inuu kaga baxay balanqaad ay Xukuumada Ankara ku dooneysay in iyada loo xiro Baarista Shirkadaha qodista shidaalka Somalia, waxaase tan ay hadda muujineysaa in Imaaraadka Carabta ay la wareegeyso qandaraaska Xaraashka Soomaaliya iyo shidaalkeeda iyo Dekedaha ( Kismaayo, Baraawe, Boosaaso, Garacad iyo Berbera).

Dhanka kale, Maamulka Xasan Sheekh ayaa u xushay Afar xubnood oo Wasiiro ah kana kala tirsan Xisbiyada Damu jadiid iyo Dab-jir, kuwaasoo loo xushay iney soo diyaariyaan Qandaraasyada xaraashka shidaalka Somalia kuwaas oo kala ah:

Wasiirka Maaliyada Dr Cilmi Maxamuud Nuur

Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi

Wasiirka Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud

Wasiirka Shidaalka C/risaaq Cumar Maxamed

214490cookie-checkMa Dhabaa in UEA Loo Oggolaaday iney Baaris Shidaal ka Bilaawdo Xeebaha Baraawe